Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xassan Macallim Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay kulan cilmiyeed uu soo qabanqaabiyay madasha Garyaqaannada Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay aragtida sharciyeed ee sheshiis ku sheegga xad-gudubka ku ah gobannimada Soomaaliya ee Dawladda Itoobiya ay la gashay Maamulka Somaliland.

Wasiirka oo dhegaystay doodaha sharci-yaqaannada Soomaaliyeed, ayaa bogaadiyay shaqada ururka iyo dedaalka ay u galeen difaaca gobannimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Ugu danbayntii wasiirka ayaa ka guddoomay madasha garyaqaannada Soomaaliyeed bayaan qodobaysan oo xambaarsan aragtidooda iyo talooyinkooda.

=𝐃𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐝=

Xafiiska Isgaarsiinta iyo Wacyigalinta

Email: [email protected]

Website: https://moj.gov.so

Twitter: https://twitter.com/MojSomalia

Instagram: https://www.instagram.com/mojsomalia/

Scroll to Top