MASUULIYADAHA WAAXDA GARSOORKA EE WASAARADDA CADAALADDA
- Dhawrista iyo hubsashada habsami u socodka garsoorka iyo sarraynta sharciga.
- Ilaalinta madaxbannaanida Garsoorka
- Wax kaqabashada falalka musuqmaasuqa ee luminaya kalsoonida garsoorka.
- Daryeelka, la socodka iyo tababbarka xubnaha garsoorka dalka.
- Diiwaangelinta iyo aqoonsiga xirfadlayaasha qaanuunka, shareecada iyo shaqada garsoorka.
- Hubinta iyo tasdiiqinta qoraallada sharciga ah.
- Hagaajinta iyo xoojinta xariirka u dhexeeya Wasaaradda iyo Hey’adaha Garsoorka
- Ka shaqeynta helidda garsoor caadil ah oo lgu kalsoonaan karo, lana gaarsiiyo dalka oo dhan.
- Isku xirka, adkeynta wadashaqeynta Wasaaradda iyo Kulliyadaha Sharciga ee Jaamacadaha dalka
- Aruurinta iyo habeynta shuruucda quseysa Arrimaha Garsoorka .
- Sameynta xafiisyo ka shaqeeyo heshiisiinta dadweynaha inta aysan gaarin dacwaddoodu Maxkamadda.
- Ka warqabidda iyo kaalmeynta danyarta aan iska bixin karin lacagta difaaca garsoorka.
- Qabashada cabashooyinka iyo codsiyada cafiska ee la xiriira arrimaha garsoorka.
- La socodka Maxaabiista garsugayaasha ah iyo kuwa xukuman xaalkooda.