Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xassan Macallin ayaa kulan la qaatay safiirka dalka Qadar u fadhiya JFS Mudane Dr. Cabdullaahi Bin Salim Alnucaymi. Ujeedka kulanka ayaa ahaa horumarinta iyo xoojinta xidhiidhka labada dal iyo iskaashigooda soo jireenka ah gaar ahaan Arrimaha la xiriira Cadaaladda iyo horumarinta garsoorka. Waxa ay labada masuul isla qireen muhiimadda dhawrista gobonnimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya si waafaqsan sharciga caalamiga ah. Sidoo kale waxa ay isla garteen mudnaanta horumarinta xidhiidhka labada dal iyo ka midho dhalintiisa.

=𝐃𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐝=

Xafiiska Isgaarsiinta iyo Wacyigalinta
Email: [email protected]
Website: https://moj.gov.so
Twitter: https://twitter.com/MojSomalia
Instagram: https://www.instagram.com/mojsomalia/

Scroll to Top