
Xogahayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Feysal Adan Xassan ayaa maanta kulan la yeeshay Guddiga Farsamada ee diyaarinta Qorshe-howleedka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka kaas oo lagu tifaftirayay qorshaha sanadlaha ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo ay soo diyaariyeen Guddiga Farsamada ee loo xilsaaray.
Xoghayaha ayaa dood kala yeeshay guddiga howlaha hortabinta u leh iyo sida ay macquul u tahay fulinta qorshayaasha ay dejiyeen.