Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud oo ay wehliyaan Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda mudane Faysal Aadan Xassan iyo qaar ka mid ah agaasime Waaxeedyada ayaa maanta hortagay Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare BJFS iyagoo uga warbixiyay howlaha Hortabinta u leh Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Kulanka oo ahaa mid is xog-waraysi iyo kala war qaadasho ayaa si gaar ah loogu lafaguray hannaanka Garsoor ee Dalka, Xabsiyada, nolosha Maxaabiista, iyo halka ay marayaan dhismaha Golaha Adeega Garsoorka iyo Guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xaquuqul Insaanka Aqalka Sare Senator Naciima Xasan Xaaji Maxamuud {Gadhwayne} oo kulanka shir guddoomisay ayaa wasiirka iyo xubnaha la socday uga mahad celisay sida togan oo ay uga warbixiyeen xogtii laga waydiiyay Wasaaradda iyo su’aalihii kalaba.

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top