Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa maanta hortagay Guddiga Garsoorka Awqaafta iyo arimaha diinta ee Golaha Shacabka BJFS iyaga oo uga warbixiyay howlaha hortabinta u leh Wasaaradda.
Kulanka oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Xil. Cali Xaaji Daahir ayaa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka midane Xasan Macalin looga dhageystay war bixinno ku saabsan sharciyada wasaaradda hortabinta u leh ee u qorsheysan iyo Qorshe-hawleeedka Wasaaradda mudada dhow iyo midda fog.
kulanka oo ku soo dhamaaday is fahan ayaa lagu kala qaatay waajibaad shaqo, sidoo kale waxa lagu ballamay in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan loogu shaqeeyo hufnaan ayna helaan Cadaalad buuxda