

Agaasimaha Guud ee wasaarada Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Axmed Ismacil Xuseen ayaa maanta furay shirka sadax biloodlaha ah ee arrinaha Caddaaladda iyo Caruurta oo ay ku kulmaan dhamaan hay’adaha dowlada kuwa ay quseyso iyo bahwadaagtooda shirkaad oo ay soo qaban qaabisay Waaxda Gender-ka iyo Ilaalinta Caruurta.
Shirkaan ayaa ahaa kii sadaxaad waxaa kasoo qeyb galay wasaaradaha Haweenka, Gaashaandhiga, Amniga Gudaha, Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, waxbarashada wasaaradaha Caddaalada ee dowlad goboledyada iyo hay’ada UNICEF.
Ujeedada shirka ayaa ahyd xog isweydaarsi sadax biloodle ah iyo kor u qaadista shaqooyinka la xiriira Caddaaladda caruurta soomaaliyeed.