Shir sanadeedka Garsoorka oo maanta Muqdisho Ka furmay kaas oo diiradda lagu saaray Federaalaynta Garsoorka.

May be an image of 1 person and text that says 'ANNUAL JUDICIARY CONFERENCE FED GA A G YNTA RKA R K A 2023 11-12 JANUARY SHIR SANNADEEDKA GARSOORKA FEDERAALAYNTA CARSOORKA JAHTAT MAALINTA AAD'
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay shir sanadeedka Garsoorka oo maanta Muqdisho Ka furmay kaas oo diiradda lagu saaray Federaalaynta Garsoorka.
Wasiirka oo kalmad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay Federaalaynta garsoorka si loo daadejiyo adeegyada Cadaaladda ay u baahanyihiin dadwaynaha.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay dib u eegis lagu samayn doono xeerarka muhiimka u ah in la helo garaoor hufan oo la isku hallayn karo.
Wasiirka ayaa sidoo kale hoosta ka xarriqay in fulinta xukunada ay gaaraan maxkamadaha dalka ay muhiim u tahay in garsoorku uu guto waajibkiisa ku aadan in ay dadku helaan cadaalad.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top