PLANNING AND DEVELOPMENT

MASUULIYADAHA WAAXDA QORSHAYNTA IYO HORUMARINTA EE WASAARADDA CADAALADA

  1. Diyaarinta iyo mideynta qorshayaasha muddada dhow iyo fog ee wasaaradda iyadoo kaashaneysa waaxyaha kale ee wasaaradda, una kala hormarineysa qorshayaasha hadba sida ay u kala mudnaan leeyahiin.
  2. U kuurgalidda xirfadaha aqooneed ee shaqaalaha wasaaradda, diyaarinta, tayeynta iyo tababaridda shaqaalaha si kor loogu qaado aqoontooda xirfadeed si ay u gutaan waajibaadkooda.
  3. Qorsheynta iyo la socoshada hawlaha iyo mashaariicda wasaaradda
  4. Isku duwidda, uruurinta iyo isku xiridda dhammaan qorshooyinka iyo hawlaha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.
  5. Xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee wasaaraddu la leedahay hay’adaha kale ee dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee wada shaqeyntu kala dhaxayso wasaaradda.
  6. Diyaarinta istaraatiijiyadda iyo qorshe-hawleed ku jaan go’an ujeedooyinka dhaw iyo kuwa fog ee Wasaaradda.
  7. Samaynta daraasado iyo dajinta mashaariic horumarineed oo ku salaysan baahida wasaaradda.
  8. Diyaarinta warbixin xilliyeed, sanadeed, ku saabsan gudashada shaqo, guulaha, horumarinta iyo caqabadaha.