

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ayaa maanta hor geeyay Golaha Shacabka BFS xubnaha gudiga madaxa banan ee dib u eegista iyo hirgalinta Dastuurka KMG ah oo ay dhawaan ay soo gudbiyeen golaha wasiirada XFS.
Xubnahan oo ka kooban shan xubnood ayaa golaha waxay u qaadeen cod ayagoona ku ansixiyay cod aqlabiyad ah iyadoo aysan jirin mudane diiday ama ka aamusay.
Ansixinta kadib ayaa wasiirka wasaarada Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud wuxuu u mahadceliyay xildhibanada golaha shacabka sida aqlabiyada leh ay u ansixiyeen xubnaha gudiga madax banan ee dib u eegista iyo hirgalinta Dastuurka oo ay soo gudbisay wasaarada Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.
Xubnaha la ansixiyay ayaa kala ah:
1. Mohammed Hassan Idriss
2. Ahmed Mohamuud Jama
3. Mohamed Abdalla Salah
4. Farhia Mumin Ali
5. Burhan Adan Omar.