
Kusimaha Raysal-Wasaaraha Ahna Raysal-Wasaare ku xigeenka XFS mudane Saalax Ahmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku yimid Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS isaga oo kulan la qaatay Hoggaanka sare ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha Marwo Mumino Sheikh Cumar iyo wasiir ku xigeenka mudane Ahmed Abdirahman Xasan ayaa ku soo dhoweeyay kusimaha Raysalwasaaraha Xarunta Wasaaradda isaga oo Warbixin guud ka siiyay Howlaha hortabinta u leh Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.
Dhanka kale, Ku-simaha Raysal-wasaaraha ayaa bogaadiyay qorshayaasha dhow iyo kuwa durugsan ee ay Wasaaraddu rabto in ay fuliso isagoo ku ammaanay Wasaaradda sida ay u gudanayaan Waajibka shaqo ee loo igmaday.