Dowrka waaxda shaqada iyo Shaqaalaha ee wasaaradda Cadaaladda
Waaxdu, waxa ay u xilsaarantahay in ay Wasaaradda u qabato arrimaha la xiriira Shaqaalaha sida,
- Hogaaminta Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada Ee Wasaaradda iyo hubsashada suuro-gelinta adeegyo tayo leh oo ka jawaabaya baahida dhow iyo mida fog ee Wasaaradda iyo qorshayaasha sura-galka ah ee Waaxda.
- Qorshaynta, abaabulka iyo hogaaminta hawlaha shaqo, agaasinka iyo maamulka waaxda.
- Ogaashaha dulduleellada iyo caqabadaha ka jira waaxda iyo diyaarinta qorshayaal xalin.
- Hindise qorista iyo bilaabidda aragtiyaha gacansiinayo fulinta howlaha.
- Hanashada maareynta shaqaalaha iyo warbxin siinta agaasimaha guud, wasiir ku-xigeenka iyo wasiirka.
- Soo jeedinta dallacsiinta, abaal marinta, anshax marinta, shaqo ka joojinta iyo shaqo ka erinta ayadoo la marayo shuruucda shaqada iyo shaqaalaha dalka
- Ku dhaqanka iyo baxnaaninta xeer-hoosaadyada lagu dhaqayo shaqaalaha Wasaaradda.
Sidaa owgeed, waxa ay Waaxda ka koobantahay Agaasimaha Waaxda iyo 4 qeybood oo kala ah,
- Qeybta Shaqaaleysiinta.
- Qeybta Tababarada.
- Qeybta Shaqada&Shaqaalaha
- Qeybta Adeega Guud.