Dowrka waaxda maaliyada iyo maamulka ee wasaaradda Cadaaladda waxaa ka mid ah:
- La socodka iyo kormeerka iyo kuurgalka xaaladda maamul dhaqaale, shaqaale iyo dhamaanba hawlaha maareyn ee wasaaradda
- Dajinta, diyaarinta iyo habeynta iyo diyaarinta miisaaniyadda wasaaradda.
- Diyaarinta qorshayaal horumarineed ee ay waaxdu sare ugu qaadeyso hawlaha loo igmaday.
- Diyaarinta xisaab xirka billaha, 3 billaha, 6 billaha iyo sanadlaha ah ee wasaaradda.
- Sameynta xees hoosaadyada, siyaasadaha lagu dhaqaayo Wasaaradda.
- Dajinta, kobcinta shax-maamulka wasaaradda iyo hadba in shax-maamulka la jaan-qaado isbeddelka iyo horumarka wasaaradda.
- Dajinta siyaasadaha shaqo qorista iyo nidaamka loo maro shaqaale cusub qaadashada.
- Sameynta cilmibaarisyo la xiriirta horumarinta maamulka iyo maareynta wasaaradda.
- Ka jawaabista baahida maamulee taagan ee wasaaradda iyo tan mustaqbal.
- Daba-galka, qiimeyn iyo talo-ka bixinta habsami u socoshada hawlaha maamul ee wasaaradda.