Maanta, oo ay taariikhdu tahay 9.05.2022, wuxuu Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Mudane Avv. Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Axmed Ismaaciil Xuseen ku qaabilay wafdi ka socda ATMIS, oo uu howlgalkoodu qeyb ka yahay sugidda amniga xaruumaha iyo hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka.

Kulankaas oo ku qotomayey sidii loo adkeyn lahaa amniga sarena loogu qaadi lahaa wada shaqeynta guud ahaan ATMIS kala dhaxeyso gaar ahaan amniga xaruumaha, hay’adaha, shaqaalaha iyo mas’uuliinta Cadaaladda iyo Garsoorka.

Ugu dambeyn wuxuu wasiirku ugu mahadceliyey sida wanaagsan ay ula shaqeynayaan iyo booqashadooda.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.