Maanta, oo ay taariikhdu tahay 03.03.2022, waxaa kulan u dhaxeeya Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka JFS oo uu hormuud u yahay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Mudane Avv. Xasan Xuseen Xaaji iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa, kaas oo looga hadlayey dardar gelinta howlaha kaga aaddan laba hay’adood sidii loola dagaalami lahaa musuqa.

Waxaa la gorfeeyey sharciyada u baahan dhaqan gelinta iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka musuqa si loola dagaallamo musuqa ragaadiyey horumarka Dalka.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo idlaadey is af garad iyo in si wadajir ah Qaranka Soomaaliyeed loogu matalo kulamada heshiisyada caalamiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.