Munaasabad lagu xusayey sanad guuradii 52aad ee kasoo wareegatey aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta ooy taarikhdu tahay 22-02-2022 lagu qabtay Xaruunta Xabsiga Dhexe ee Xamar, taas oo ay kasoo qeyb-galeen masuuliyiin kala duwan oo ka kala socotey bahda cadaaladda oo uu ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka JFS mudane Avv. Xasan Xuseen Xaaji, Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka iyo madaxa kale sida Garyaqaan Maxamuud Axmed Xasan Dalab iyo Taliyayaasha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Ugu horeyn waxaa warbixin kooban laga bixiyey marxaladihii uu soo maray taliska, waxaanna sidoo kale lagu soo bandhigay waxqabadka iyo waajibaadka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ay ugu horeyso ababinta, barbaarinta, daryeelidda, dhaqan celinta, xirfad baridda ubadka dayacan ee Soomaaliyeed iyo maxaabiista kala duwan si ay u helaan xirfad ay kula falgalaan bulshada inteed kale kadib markay dhameystaan muddooyinkooda.

Wasiirka iyo taliyaha ayaa ballan qaaday in wax laga qabto baahida guud ahaan ay CAS qabaan iyo tan maxaabiista.

Waxaan ugu dambeyn Wasiirku hambalyo u direy dhammaan Ciidanka Asluubta Soomaliyeed iyo ehelladooda, asagoo u rajeeyey sanad guuro wacan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.