Home » Wasiirka

Wasiirka


21
Mudanayaal iyo Marwooyin;

Magacayga waa Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Caddaaladda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan mahad ballaaran u celinayaa qof walba oo soo booqda boggayaga.

Wasiirka Caddaaladda waxa uu bixinayaa dadaal dheeri ah sidii loogu dhisi lahaa umadda caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo waliba sidii loo abuuri lahaa ‘dal nabad ah iyo bulsho faraxsan’ oo sal looga dhigayo ‘Talinta Sharciga oo ay aad ugu baahi qabaan shacabka iyo maamul garsoor oo ay u riyaaqaan dadweynaha.

Wasaaradda waxay dhisaysaa hannaanka talinta sharciga iyo ku dhaqanka caddaaladda iyo isu dheellitirka fulinta. Waxaa kale, dhowrista xuquuqda aadanaha ayaa laf-dhabar u ah siyaasadaha aynu ku shaqaynayno si loo dhowro xuquuqda dadka liita. Intaa oo dhan, waxaa garab socon doona inay naga go’antahay inaanu kula tartanno caalamka hogaaminta dhaqangelinta maaraynta garsoor.

Waxaanu aad u danaynaynaa aragtida dadweynaha, kuna dhaqaaqi doonnaa dibu-habayn joogta ah iyo dib isu xisaabin sidii looga dhigi lahaa Wasaaradda Caddaaladda mid la aamini karo.

Taageeradaada iyo dhiirri-gelintaada aad ayaanu u qaddarinaynaa

waad mahadsantihiin in badan