Home » Wararka » R/WASAARE KHAYRE OO XARIGA KA JARAY XAFIISYO LAGU QABTO CABASHOOYINKA DADWAYNAHA OO AY FURTAY WASAARADDA CADAALADDA
nag_5

R/WASAARE KHAYRE OO XARIGA KA JARAY XAFIISYO LAGU QABTO CABASHOOYINKA DADWAYNAHA OO AY FURTAY WASAARADDA CADAALADDA

nag_5Xafiiskaan cabashooyinka dadwaynaha oo wasaarada Cadaaladu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka furtay wasaaradda ayaa  loogu talagalay in lagu qabto Cabashooyinka bulshada Soomaaliyeed ee la xiriira dhinacyada Cadaaladda iyo talo bixinta. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta oo taarikhdu tahay September 10, 2017  si rasmi ah xarigga uga jaray xaruntaasi,iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo uu kamid ahaa Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Debadda.

Xafiisyadan ayaa waxaa ka howlgali doona sharci yaqaano, kuwaasi oo si mutadawacnimo ah bulshada ugu sameyn doona la-talin dhinacyada sharciga iyo Cadaaladda, iyadoo uu halkaasi imaan dono muwaadin kasta oo Soomaaliyeed oo qaba tabashooyin.

Ra’isul Wasaaraha oo ka hadlayey koobta ayaa  “Waxaan uga mahadcelinayaa Wasaaradda Cadaaladda oo hirgelisay Xafiisyadan, tani waxay qeyb ka tahay qorshaha horumarinta Cadaaladda,waxayna Xukuumaddu ay xoogga saari doontaa sidii horumarin loogu sameyn lahaa arrimaha Cadaaladda iyo garsoorka oo muhiim u ah dalka” Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhanka kale waxaa uu guddoomay ilaa 18 sharciyo oo ay ku wareejisay Wasaaradda Cadaaladda,si loo hor geeyo Golaha Wasiirada,waxaana sharciyadaasi soo diyaariyay qaar kamid ah Wasaaradda Cadaadda Dalka.

nag_2

nag_4

nag_1

nag_3

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *