Home » Nootaayo

Nootaayo

Hordhac

Nootaayooyinka:

Iyada oo la tixgelinaayo, sida ku cad Dastuurka Ku-meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Qodobka 23aad: Xorriyadda xirfadda, Shaqada iyo Mihnadda; “Muwaaddin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu si xor ah u doorto xirfadda, shaqada ama mihnadda uu rabo”, ayaa Wasaaradda Caddaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay billowday, diiwaangelinta iyo tiro koobka Nootaayooyinka ka howlgala dalka Soomaaliya, gaar ahaan Gobolka Banaadir, si loo dhiirigeliyo xirfadooda shaqo, loona siiyo aqoonsi sharciyeed oo Wasaaraddu bixiso.

Laga soo billaabo sanadkii 2014 oo Wasaaradda Caddaaladdu howshaas billowday illaa iyo hadda waxaa la diiwaangeliyey oo aqoon Heer Wasaaradeed ah la siiyey Nootaayooyinkan hoos ku liisgeysan;

Fuji: Magacyadda Nootaayooyinka ka diiwan gashan wasaaaradda