Home » La-dagaalanka Musuq-maasuqa

La-dagaalanka Musuq-maasuqa

Annagoo ah ka  qeyb-galayaasha shirka wadatashiga ee ku sabsanaa: Xeerka  Dhisidda Guddiga La-dagaalanka Musuq-maasuqa; kana kala yimid  Xafiiska Mdaxweynaha , Xafiiska  Ra’isulwasaaraha,  xubno ka socda  Baarlamaanka  ,  Xafiiska  Xeer-ilaalinta  Guud  ee  Qaranka,  Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda,  Maxkamadaha dalka, Maamuladda Gobollada Dalka, Hay’adda  Culumada  Soomaaliyeed, Ururka  Qareenada, Ururka  Qareenada  Haweenka madaxabannaan,   Ururada  Bulshada  Rayidka ah, Kuliyadaha sharciga ee Jaamacadaha  Dalka  iyo Khubaro kale.

Annagoo ka duuleyna,  tixgalinaynana baahida loo qabo  in La dhiso Guddiga madax banana ee la-dagaalanka musuqmaasuqa ,  horumarinta iyo tayeynta hey’adaha ka hortagiida musuqa . Waxaan soo-jeedinaynaa:

  • In baahi adag loo qabo in dhiso Guddiga madax banana ee la-dagaalanka musuqmaasuqa  si loo hiigsado horumar soomaaliya  maadaama musuqmaasuq uu  caqabad ku yahay horumarka aminiga ,dhaqaale iyo dhanka bulsho  .
  • Waxaan soo dhaweyneynaa hirgelinta qorshaha dib-u-habeynta hay’adaha ka hor tgao musuqmaasuqa .
  • Waxaan soo dhaweynaynaa dadaalka ay wado Wasaarada Cadaaladda iyo Arrimaha
  • Garsoorka ee lagu horumarinayo hay’adaha ka hor tagao musuqmaasuqa .
  • Waxaan u mahadcelinaynaa dhamaan dadkii ka qeybqaatay diyaarinta barnaamijkan iyo
  • kuwii dadaalka gaarka ah ka muujiyey ka qeybgalkiisa iyo hagiddiisa .

 

Ugu danbeytii waxaan ugu baaqeynaa Xukuumadda Federaalka iyo Baarlamaanka  Soomaaliyeed in ay ansixiyaan Xeerarka Dhisidda  Guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa taas oo ah waajib Dastuuri ah in la dhiso .