Home » Dhalasho,Dhimasho,Guur

Dhalasho,Dhimasho,Guur

Dasdiiqinta Shahaadooyinka Dhalashada, Dhimashada iyo Guurka

Wasaaradda Caddaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay si joogto ah u tasdiiqisaa Shahaadooyinka Dhalashada, Dhimashada, Guurka iyo kuwa kale ee la mid ah. Markas la tasdiiqinaayo shahaadooyinkaas waxay Wasaaraddu tixgelisaa oo kaliya kuwa kasoo baxay Qaadi ama Garsoore sharciyeysan oo shati dowladeed haysta ama cid kale oo tixgelin sharciyeed leh sida Odoyaasha Dhaqanka iyo Culumada.